Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka hadlay kulan loogu magac-daray ‘Toobiyaha’ oo looga hadlayay amniga guud ee dalka ayaa xusay in Khawaajita arrintoodw ay sheeko soo dhaaftay, lana doomayo in dhammaan bulshada Soomaaliyeed ay ka qayb-qaataan dagaalka lagula jiro kooxahaas oo dhibaato weyn ku haya dadkeenna iyo dalkeenna.
“Xaaladdu markaan sheeko waa ka soo gudubtay, marba haddii madaxweynihii jamhuuriyadda uu furimaha dagaalka u baxay, sidoo kalena hay’adihii dowladda ayaa qayb ka ah dagaalka, marka innagana waa inaan kaalinteenna qaadanno,” ayuu yiri Guddoomiye Madaale.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in dagaalka uu yahay saddex; Inaad uga qayb qaadato afka, inaad uga qayb-gasho addinka iyo inaas uga qayb-gasho jeebka, qof walbana sidii uu awoodo ayuu uga qayb-qaadan karaa, waayo Khawaarijtu xaalkeeda gabo-gabo ayuu marayaa in loo kala harana ma ahan.
Ugu dambeyn, Duqa Caasimadda ayaa ku sheegay hadalkiisa in Khawaajita ay dhib mooyeen dalkaan aysan ku soo kordhin wax dheef ah, sidaas awgeedna aan loo baahnayn in la sii fiirsado ee dagaalkooda waa in loo midoobo si dalka oo dhan looga xoreeyo.













