SAWIRRO: Kulan looga hadlay Xaalada Amni ee Caasimadda oo lagu Qabtay Muqdisho

0
333

Taliyaha Ciidanka Booliska Somalia Jen. Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadira ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Madaale, ayaa xarunta taliska booliiska Qaybta Guud ee Gobolka Banaadir kulan kula qaatay taliyeyaasha saldhigyada booliiska iyo guddoomiyeyaasha degmaayinka iyo deegaanada Gobolka Banaadir.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd sidii loo xoojin lahaa Amniga iyo xasilloonida dadka ku dhaqan Caasimadda iyo nawaaxigeeda, maadaama ay nagu soo fool-leedahay bishii barakeysneyd ee Ramaadaan.

Dhanka kale, Taliyaha Booliiska Somalia oo xerada Jeneraal Kaahiye ee Xamar kula halday ciidammo booliis ah ayaa ka dalbaday inay shacabka ugu adeegaan si hufan, ayna ka digtoodaan inay dhib u geystaan.

Ugu dambeyn, Duqa Muqdishi iyo Taliyaha Booliiska ayaa warbixinno ku saabsan xaaladsha amni ee caasimadda ka dhageystay qaar ka mid taliyeyaasha booliiska degmooyinka Gobolka Banaadir, iyagoo bogaadiyay hawlaha ay bulshada u hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here