SAWIRRO: Guddoomiye Madaale oo Aqalka Dowladda Hoose ku qaabilay Safiirka Talyaaniga u jooga Somalia

0
395

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Somalia danjire Pier Mario Daccò Coppi, iyagoo ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dhinac, iskaashiga Dowladaha Hoose ee Talyaaniga iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Sidoo kale, Duqa Muqdisho iyo danjire Pier ayaa ka wadahadlay sidii ay dowladda Talyaaniga dib-u-dhis ugu sameyn lahayd dhismooyinka ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho, iyagoo si wadajir ah u kormeeray dhismaha Casa Italia oo dhawaan dib loogu wareejiyay Dowladda Talyaaniga, halkaas oo la filayo in Dowladda Talyaaniga ay ka hirgeliyaan dugsi farsamo oo gacanta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here