Ciidanka Xoogga Qaranka Soomaaliyeed, ayaa hawlgal millateri oo jab loogu geystay Khawaarijta ka fuliyay gudaha Degmada Galhareeri oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug. Hawlgalkan ayaa lagu beegsaday saddex xarumood oo ay Khawaarijtu ku sugnaayeen.
Goobaha la beegsadey waxaa ka mid ah; geerash ay kawaarijtu ku diyaarinayeen waxyaabaha qarxa, waxaana halkaas lagu burburiyay toddobo gaari oo geerashkaas yaallay.
Goobta labaad waxa ay ahayd; bakhaar hub oo ay khawaarijtu lahayd waana la gubay. Goobta sadexaad ee la beegaaday waxa ay ahayd xarun khawaarijtu ay ku tababari jireen malleeshiyaadkooda.
Degmada Galhareeri ayaa khawaarijta u ah xarun wayn oo ay u arkayeen in ay ku ammaan-galayaan. Hawlgalkan waxa uu qayb ka ahaa hawlgallo isdaba-joog ah oo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ay ku burburinayaan xarumaha khawaarijta, kuna beegsanayaan saadka iyo gaadiidka kala duwan ee khawaarijta ay isticmaalaan.
Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahad-celinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka oo ku garab taagan dagaalka lagu cirib-tirayo khawaarijta iyo fikirkooda.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay labalaabto dagaalka khawaarijta ay kula jirto si loo ciribtiro, waxa ayna maleeshiyaadka khawaarijta marin habaabiyeen ee ku sugan meelaha ay ku sugan yihiin in ay ka baxaan si ay naftooda u badbaadsadaan, iskuna soo dhiibaan geesiyaasha ciidanka Qaranka.














