Taliska Booliiska Gobolka Banaadir oo gacanya ku dhigay dhagar-qabe dil u geystay Ganacsade Soomaaliyeed

0
544

Taliska qaybta guud booliiska Gobolka Banaadir, gaar ahaan ciidanka saldhigga booliiska degmada Hodan ayaa gacanta kusoo dhigay dhagar-qabe geystay dil.

Dhagar-qabahan oo aan magaciisa la sheegin ayaa salaaddii jimcaha kaddib dil u geystay ganacsade Soomaaliyeed, waxaana taliska booliisku uu sheegay in la horgeyn doonaa maxkamadda awoodda u leh hadduu alle idmo.

Ugu dambeyn, ciidanka Booliiska ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, haddii ay la kulmaan cid geysanaysa fal amniga liddi ku ah ay la xiriiraan saldhigga ugu dhow ama ay wacaan lambarka gaaban ee 991, si booliisku uga jawaabaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here