Guddoomiye Madaale oo ka Qayb-galay Munaasabad Mahad-celin ah oo lagu qabtay Xarunta Degmada Garasbaaley: SAWIRRO

0
353

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeyb-galay munaasabad lagu qabtay xarunta degmada Garasbaaleey oo loogu mahad-celinaayay Madaxweynaha JF, mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo 20-kii Feveraayo 2024-ka u aqoonsaday ama u magacaabay Garasbaaleey in ay tahay degmo buuxda.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya, xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Somalia, guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada gobolka Banaadir, xoghahaya guud ee gobolka Banaadir, Ssaraakiisha laamaha amniga, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, odayaal, siyaasiyiin, haweenka iyo qaybaha Bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here