Weeraryahanka reer Brazil ee kooxda Al-Ahli, Roberto Firmino ayaa kooxdiisa cusub ee Al-Ahli ee Sucuudiga u dhaliyay saddex gool kulankii ay 3-1 kaga badiyeen kooxda Al-Hazm furitaanka horyaalka Saudi Pro League-ga Jimcihii shalay.
Firmino oo dhanka Weerarka uga cayaari jiray kooxda Liverpool ayaa labo gool dhaliyay 10-kii daqiiqo ee furitaanka, isagoo goolka kale dhaliyay daqiiqadii 72-aad, waxa uuna u xaqiiniyay Al-Ahli inay saddexdii dhibcood ee loo loolamayay ay dhankeeda maraan.
Al-Ahli iyo Al-Hazm ayaa ahaa laba ka mid ah afarta kooxood ee u soo gudbay heerka koowaad ee kooxaha Sucuudiga, waxayna kooxaha heerka koowaad ka dhigeen 18 kooxood xilli cayaareedkan.
Kooxda martida loo ahaa ayaa hogaanka ciyaarta ku qabatay lix daqiiqo markii ay cayaartu socotay, kaddib markii uu madax ku dhaliyay goolkii 1-aad kabtan Firmino, waxaana labada gool ee uu dhaliyay qaybtii hore ee cayaarta caawiyay garabkii hore ee Manchester City, Riyad Mahrez.
Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee cayaarta ayay kooxda Al-Hazm dhalisay gool, taasoo cayaarta ka dhigtay 2-1, iyadoo goolkan uu ahaa mid loo dhaliyay si xifadeysan oo ay aqoon kubbadeed ka muuqatay.
Sidoo kale, Firmino ayaa muujiyay cayaar wanaag la jeclaystay furitaanka horyaalka, isaga goolka sadeexdaad dhaliyay, iyadoo ay cayaarta ka harsan tahay 20 daqiiqo, qaxa uuna dhaliyay hat-trick.
Dhanka kale, Kooxda difaacanaysa koobka ee Al-Ittihad oo la soo saxiixatay xiddiga ku guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or ee Karim Benzema oo ay kala soo wareegeen Real Madrid iyo khadka dhexe ee Chelsea ee N’Golo Kante ayaa kulankoodii ugu horeeyay maanta ku ciyaaraya garoonka Al-Raed.
Ugu dambeyn, Laacibka Cristiano Ronaldo oo u cayaara kooxda Al-Nassr oo kaalinta labaad gashay xilli ciyaareedkii hore ayaa wajahaya Al-Ettifaq Isniinta. Ciyaarta ayaa laga yaabaa in ay isku arkaan saaxiibadii hore ee Liverpool Sadio Mane oo ku biiray Al-Nassr toddobaadkii hore iyo Jordan Henderson.













