Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xarig-jaray dhismaha waddada Via Liberia ee degmada Waaberi oo dhawaan lagu dhisay isku tashiga reer Waaberi iyo barnaamijka dalkaaga ku dhiso Hal Doollar.
Munaasabaddan Xarig-jarka ah waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir, guddoomiye hawlaha guud ee maamulkgobolka Banaadir, Taliye ku-xigeenka ciidanka ilaalinta Dowladda Hoose ee Xamar iyo maamulka degmada.
Gudðoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane Yuusuf Madaale ayaa ugu baaqay bulshada caasimadda in ay u kacaan horumarinta magaalada iyo ilaalinta nabadgalyada.





































