Xuska Munaasabada 26-ka Juun oo lagu Qabtay Aqalka Dowladda Hoose iyo Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay: VIDEO + SAWIRRO

0
381

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacday xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, taas oo lagu maamuusayay xuska 63-guuradii kasoo wareegatay markii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay xorriyadda ka qaateen gumaystihii Ingiriiska, isla markana dhulka Soomaaliya laga taago calanka buluugga ah ee dhexda ki leh xiddigta cad ee shanta gees leh.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Madaale ayaa ka hadlay qiimaha habeenkan 26-Juun uu ugu fadhiso ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay ku beegaan tahay markii ugu horreysay oo uu dhul Soomaaliyeed ka xoroobo gumeyste, kana babado calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here