Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo furay Bandhigga Suuqweynaha Magaalada Muqdisho: MUUQAAL + SAWIRRO

0
382

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay bandhiga suuqweynaha Muqdisho kaasoo sanadkii 4-aad maanta ka furmay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Furitaanka bandhiggaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiir ku-xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha, wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha, guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir, xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay bandhiga suuqweynaha Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay garab istaaga iyo dhiirri-gelinta ganacsatada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Guddoomiyuhu waxa uu xusay in Suuqweynaha Muqdisho uu caalamka tusinayo maal-gashiga iyo kobaca dhaqaale ee dalka ka jira, loona baahan yahay in bulshada Soomaaliyeed ay ka faa’ideystaan lana dhiirri-geliyo ganacsatada yar-yar sidii ay u soo bandhigi lahaayeen hal abuurradooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here