Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Camir Axmed (Jaketti) ayaa maanta Magaalada Muqdisho Tababar ugu furtay qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, Agaasimeyaal, Xubno ka socday Ururka Dhalinyarada G/Banaadir iyo Howlwadeeno kale.
Tababarkaan ayaa la xariira Dib-u-heshiisiinta iyo muhiimada ay leedahay wada-noolaashiyaha Bulshada.
Waxaana iska kaashanayaan Xafiiska Xalinta Khilaafaadka iyo Xasilinta Nabadda ee Gobolka Banaadir iyo Xafiiska Siyaasada Midowga Africa ee AMISOM asigoona socon doona muddo 5 maalin ah.