Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta dhexe ee hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMA.
Bishii Agoosto ee sanadkii hore ayay DFS dib u hawl-gelisay hay’addan si dalka looga badbaadiyo macluul iyo abaaro baahsan oo dalka markaa ka jiray, hawlgelinta kadib guddoonka hay’adda SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle iyo guud ahaan hawl-wadeennada kala duwan ayaa isku hawlay ka hortagga iyo yareynta khatarihii kala duwnaa ee dalka soo wajahay ee arrimaha macluusha, abaaraha iyo fatahaadaha.
Ugu dambeyn, Xarig jarkan waxaaka ahaa goobjoog guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, Wasiirka Gargaarka Koonfur-galbeed iyo wakiillo ka socday beesha Caalamka.

























