MADAXWEYNE XASAN: Ha cararin haddii aadan tuug ahayn oo aadan wax isku ogeyn: MUUQAAL

0
216

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay masjidka madaxtooyada ayaa sheegay in cid kasta oo la eedeeyo uu xaq u leeyahay inuu garramo oo uu gar-baxo, balse ma habboona inuu tuhun dartiis dalka oo dhan uga cararo.

“Ha cararin hadaadan tuug ahayn oo aadan wax isku ogeyn. In maalin aad maxakamad hor-istaagtay oo aad garantay danbi ma ahan, laakiin in lagugu cadeeyo ama lagugu helo falka aad geysatey ayaa danbi ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyn, Hadalka Madaxweynaha Somalia ayaa imaanaya iyadoo dhawaan la shaaciyay magacyada saraakiil fara badan oo dowladda ka tirsan oo qaarkood loo xiray musuqmaasuq iyo kuwo kale oo sharciga ka baxsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here