Miisaaniyadda Maamulka Gobolka Banaadir ee sanadka 2022, ayaa si aqlabiyad ah maanta lagu ansixiyey kulan ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.
Dood dheer kadib, waxaa ku dhawaaqay natiijada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho MD Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish.
Guud ahaan Miisaaniyadda sanadka 2022 waxaa lagu ansixiyey iney noqoto $53,773,963.79. taasoo u sii kala qeybsameysa.
Mushaar. Adeeg iyo Raasumaal.