Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo xoghayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Feysal Carraale Afrax ayaa kulan la qaatay saraakiisha Ciidanka xasilinta Caasimadda ee Police Millatery iyo madaxda maamulada degmooyinka qaybta Bari ee Gobolka Banaadir.
Kulankan oo ka dhacay waaxda Juungal ee degmada Yaaqshiid ayaa waxaa loogu hadlay dardar-gelinta Amniga guud ee Caasimadda, la-dagaallanka cirib-tirka ciyaal weerada, maandooriyaha qaybihiisa iyo kooxaha garan-waaga ee Khawaarijta. Iyadoo la isla qaatay in la billaabo roon-dooyin iyo hawl-gallo joogta ah.
Gunaanadkii, Madaxda aamulka Gobolka Banaadir ayaa faray maamulada demooyinka qaybta Bari iyo saraakiisha ciidammada xasilinta in la xoojiyo wada-shaqeynta, looba dhawaado bulshada si looga guuleysto cadowga caqabada ku ah Amniga iyo Horumarka Bulshada ku nool caasimadda dalka ee Muqdisho.















