SAWIRRO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan sagootin ah la yeeshay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

0
544

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah kula qaatay magaalada Dhuusamareeb Danjiraha Midowga Yurub Marwo Tinna Intelman oo uu dhammaday muddo xileedkileeda diblomaasiyadeed ay ku joogay dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Midowga Yurub taageerada iyo garab istaagga ay siiyaan dalkeenna, isagoo Safiirka uga mahadceliyey wada shaqeyntii wanaagsaneyd iyo daddaalladdii ay ku bixisay horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Dhankeeda, Marwo Tinna Intelman ayaa sheegtay in Soomaaliya ay hayso dhabbaha horumarka, taas oo muujineyso dib u soo kabasho dhaqaale, amni iyo guulaha wax ku ool ah ee laga gaaray dagaalka dalka looga xoreynayo argagixisida oo hadda maraya marxalad gabegaba ah wajagii labaad ee hawlgalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here