Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Guddoomiyay kulankii Degmooyinka: SAWIRRO

0
421

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ee degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir, iyadoo uu goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).

Kulankan oo intiisa ugu badan ahaa mid isla xisaabtan shaqo ah, ayaa diiradda lagu saaray in guddoomiye kasta lagula xisaabtami doono mas’uuliyada uu bulshada u hayo, gaar ahaan sugidda amniga, diiwaan-gelinta guryaha iyo dadweynaha ku nool, bilicda, daqliga, la-dagaalanka kooxaha burcadda ah iyo ciyaal-weerada, ciribtirka maandooriyaha iyo fulinta barnaamijka Garan-waa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here