Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukunno kala duwan ku ridday 11 eedeysane oo loo haystay inay kooxaha Khawaarijta ah la shaqeynayeen, waxa uuna xukunkoodu u dhacay sidan:
1. Cabdiraxiin Maxamed Cusmaan Jimcaale (Macruuf) ayaa Khawaarijta u qaabilsanaa gudbinta macluumaadka iyo xogaha xubnaha ka shaqeeya degmooyinka kala ah, Dayniile, Yaaqshiid, Hilwaa, Hodan, Howl-wadaag. Macruuf ayaa 14-kii Juun ee sanadkan hay’adda nabadsugidu kasoo qabatay suuqa weyn ee Bakaaraha.
Kambiyuutarkiisii ayaa laga helay liiska xogta iyo taleefanada Shariif Nuur Awliyo iyo Cabdi Cali Tabliiq iyo xubno kale oo maqanayaal ah oo uu horjooge u ahaa, waxaana lagu zukuntay 10 sano oo xabsi ciidan ah.
2. Shariif Nuur Cali Aadan Ayaanle (Shariif Owliyo) oo ahaa guddoomiyaha waaxda Oktoobar ee degmada Hodan ayaa loo soo xiray u gudbinta khawaarijta xogaha iyo macluumaadka xubno ka tirsan maamulka degmada Hodan, waxa ayna maxkamaddu ku xukuntay 8-sano oo xabsi ciidan ah.
3. Jabriil Cabdullaahi Cali Cadoow (Sheekha) ayaa isna u qaabilsanaa Khawaarijta qaybta faafinta fikirada qaldan ee kooxda, waxa uuna tababar ku saabsan jabhadaha kusoo qaatay Saakow, wuxuuna ka mid ahaa basaasiinta maleeshiyada ku dhuumaaleysata Muqdisho, waxaa lagu xukumay 8-sano oo xabsi ciidan ah.
4. Cabdi Cali Cibaar Wardheere (Tabliiq) ayaa u qaabilsanaa Khawaarijta gudbinta macluumaadka deegaanka Daarusalaam iyo Carrafaad, isagoo u gudbin jiray xogta qaraxyada ka dhaca goobahaas, waxaana lagu xukumay 5 sano oo xabsi ciidan ah.
5. Canab Xuseen Cumar Fiidoow ayaa lagu helay inay Cabdiraxiin u gudbin jirtay xogta degmada Hodon iyo xarunta xisbiga, sidoo kalana ay Khawaarijta ka taageeri jirtay baraha bulshada, gaar ahaan Fecbook. Waxaana lagu xukunay hal sano oo xabsi ciidan ah.
Sidoo kale, Afar ka mid ah kooxdan ayay maxkamaddu ku xukuntay min 3-sano oo xabsi ah, waxa ayna magacyadoodu kala yihiin; Cawil Jaamac Cabdulle Xiireey, Raxma Cabdishakuur Cali Muumin (Sandheere), Maxamuud Axmed Siyaad Barre (Muruq) iyo Sharma’arke Muuse Ismaaciil Caraale.
Dhanka kale, Asiili Maxamed Dhicisow Faarax iyo Xasan Maxamed Ibraahim (Xasan Kacaan) ayaa lagu waayay wax dambi ah, maxkamadduna way sii daysay.
Ugu dambeyn, Xukunka maxkamadda waxaa ku dhawaaqay guddoomiyaha darajada 1-aad ee maxkamadda CQS, G/Sare Xasan Cali Nuur (Shuute).














