Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, Avv: Ahmed Isse Gutale ayaa Muqdisho ku daah-furay shirweynaha Xafiisyada Hanti-dhowrka guud ee labada heer ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalya oo ay ka soo qayb galeen Hantidhowrayaasha Guud ee dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya sida: Hantidhawraha Guud ee Galmudug; Xaashi Cusmaan Maxamed, Jubaland; H.G. Bashiir Maxamed Bahale, Hantidhawraha Guud ee Koonfur Galbeed, Maxamed Cumar Axmed iyo Hantidhawraha Guud ee Hirshabeelle, Maryan Maxamud Cumar.
Hantidhowraha Guud ee JFS oo kulanka si rasmi ah u furay ayaa tilmaamay ahmiyada gaarka ah ee uu xafiisku siinayo xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta kala dhexeeysa xafiisyada Hantidhowrada ee DXDFS, si sare loogu qaado isla-xisaabtanka, daah-furnaanta iyo dowlad dhiska Soomaaliya.
Sidoo kale, Hantidhowrayaasha Guud ee DXDF ayaa soo dhaweeyay ugana mahad-celiyay xafiiska Hantidhowrka Guud qaban-qaabada iyo qabsoomidda shirweynahan muhiimka ah.
Ugu dambeyn, Kulanka oo socon doona muddo seddex casho ah ayaa maalinka koowaad waxaa diiradda lagu saarayaa gorfeyn ku aaddan yoolasha iyo ahdaafta Xafiisyada Hantidhowrka Guud labadiisa heer iyo hawlagallada baariseed ee sanadihii la soo dhaafay Xafiisyadu fuliyeen.















