Dibadbax looga soo horjeedo Khawaarijta laguna taageeray dhameystirka wajiga 1-aad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ayaa ka dhacay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.
Boqollaal ruux ayaa socod ku soo maray bartamaha degmada kuwaasoo muujiyay shucuurtooda ku aaddan sida ay raalliga uga yihiin ciribtirka kooxda khawaariijda.
Qaar ka mid ah bannaanbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ee u diyaarsan ciribtirka Khawaarijta.
Mas’uuliyiinta maamulka Cadaado ayaa dibad-baxayaasha kula hadlay fagaare ku yaalla bartamaha magaaladaas ayaa sheegay in shacabka reer Cadaado ay ku hoggaamin doonaan dagaalka dhanka ka ah Khawaarijta, si gobolka oo dhan looga saaro.
Dhanka kale, Waxaa meel gaba-gabo ah maraya diyaar-garowga ciidamada DFS iyo dadka deegaanka ay kooxaha Khawaarijta uga xoreynayaan dhammaan deegaanada ay ku dhuumaleysanayaan Khawaarijta.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sugan Dhuusomareeb ayaa xalay ka sheegay kulan dadweyne oo halkaas lagu qabtay inay ka go’an tahay in Khawaarijta laga saaro dalka oo dhan inta sanadkaan uusan dhammaan.















