Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Ereteriya, mudane Isaias Afwerki ayaa kulan-doceed ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, halkaas oo ay uga qayb-galayaan shirka Shiinaha iyo Afrika.
Labada madaxweyne ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga amniga, arrimaha gobolka iyo dhaqaalaha, iyaga oo xoojiyay ahmiyadda iskaashiga dagaalka lagula jiro argagixisada iyo sare u qaadida danaha istaraatijiyeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ereteriya.
Ugu dambeyn, dalka Ereteriya oi ka mid ah dalalka ku yaalla Gobolka Bariga Afrika ayaa Soomaaliya u soo tababartay ciidamo badan, waxaana labada dal ka dhexeeya xiriir iskaashi oo laba geesood ah.














