Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Jen. Sulub Axmed Firin ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socotay dowladda Tukiga.
Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo dardar-gelin lahaa tababarada iyo tayeenta ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo sidii loo sii wadi lahaa tababarrada ay siiyaan ciidanka booliiska gaarka ah ee Haramcad.
Sidoo kale, Saraakiisha dalka Turkiga ka socday ayaa sheegay inay ka go’an tahay dardar-gelinta tababarrada iyo tayeenta ciidanka.
Ugu dambeyn, Taliyaha ciidanka booliiska Jen. Sulub axmed Firin ayaa kaga mahadceliyay saraakiisha iyo dowladdooda sida ay u garab taagan yihiin tayeenta iyo rababarrada Ciidanka Soomaaliya, gaar ahaan Booliiska ah ee Haramcad.














