Munaasabad ballaaran oo lagu soo gaba-gabeynayo tababar sare oo u socday shaqaalaha gurmadka deg-degga ah ee Dowladda Hoose ee Xamar ayaa maanta lagu qabtay magaalada Konya waddanka Turkiga.
Waxaa munasabaddan goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir, Cabdicasiis Cismaan agaasimaha gurmadka deg-degga ee Dowladda Hoose ee Xamar, mas’uuliyiin ka socota dowladda Hoose ee Konya, Hay’adda TIKA, hay’adda maareynta musiibooyinka dalka Turkiga ee (AFAD) iyo mas’uuliyiin kale oo sar-sare.
Ugu dambeyn, Madaxdii goobta ka hadlay ayaa ku boorriyay shaqaalihii tababarku u dhammaaday in wixii ay barteen ay si dhab ah ugu shaqeeyaan, si bulshadu uga faa’iideysato aqoontooda.




























