Milkiilayaasha maqaayadihii uu horay u xiray Maamulka Gobolka Banaadir oo soo dhaweeyay go’aanno kasoo baxay shir ay maanta la yeesheen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Milkiile Xasan Xaayoow oo ka mid ah milkiilayaasha maqaayadihii dhawaan la xiray ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan mamnuucidda iyo ka ganacsiga Shiishadda iyo waxyaabaha kale ee mukhaadaraadka ah.
“Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waan ku taageeraynaa go’aanka uu maanta ku mamnuucay maandooriyaha uu ka mid yahay Shiishadda. Waayo waa inaan ka hortagnaa wax walba oo bulshada dhib ku ah,” ayuu yiri Xasan Xaayoow.
Sidoo kale, Maxamed Xasan Cali oo ah Milkiilaha maqaayadda Horseed Coffee oo ku taalla Xeebta Liido, kana mid ahayd kuwii la xiray ayaa sheegay in baarkiisa uusan ku jirin kuwa anshax-xumada lagu sameeyo ama lagu isticmaalo maandooriyaha, balse ay saameeyeen baararka la dariska ah, balse la ogaaday in aanay maqaayaddiisa ku jirin kuwaas.
Ugu dambeyn, Duqa Magaalada Muqdisho ayaa bishii hore albaabbada isugu dhuftay maqaayado ku yaalla Xeebtab Liido oo ahaa meelo maandooriyaha lagu isticmaali jiray, laguna sameyn jiray waxyaabo anshax-darro ah.













