Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay ku-xigeenka madaxa hay’adda barnaamijka cunnada adduunka ee WFP, Mr. Baimankay Sankoh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka tirsan xafiiska WFP ee Muqdisho.
Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa loogu hadlay xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac, ilaalinta raashinka WFP ay bixiso, gaar ahaan kuwa quudinta ee loo yaqaan Nutration iyo sidii loogu faa’ideysan lahaa mashaariicda cusub oo ay hay’adda WFP ay ka billaabayso Gobolka Banaadir.
Ugu dambeyn, Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa kaga mahadceliyay hay’adda WFP wada-shaqeynta kala dhaxeysa Dowladda Hoose ee Xamar, isaga oo dhinaca kale hoosta ka xariiqay in maamulka Gobolka Banaadir iyo WFP ay ka wada-shaqeyn doonaan mashaariicda horumarineed ee loogu talagalay in loogu faa’ideeyo bulshada Caasimadda.













