Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ku baaqay in laga feejignaado dhagaraha ay Maleegayaan Kooxaha Khawaarijta: SAWIRRO

0
316

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qaybgalay kulan loogu hadlayay Amniga Caasimadda oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiisha laamaha amaanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta amniga Caasimadda iyo sidii looga feejignaan lahaa dhagaraha ay cadowga Khawaarijtu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in dalku uu ku jira xaalad dagaal oo lagu cirib-tirayo kooxaha Khawaarijta ah, sidaas awgeedna loo baahan yahay in la sameeyo feejigaan dheeri ah, si looga hortago isku dayada naf-lacaariga ah ee ay ku khal-khal gelinayaan ammaanka caasimadda.

Ugu dambeyn, Laamaha Amaanka ayuu ku bogaadiyey sida naf-hurnimada ah ee ay uga hortageen falkii ay maanta kooxaha Khawaarijta ah la damac-sanaayeen in ay ku beegsadaan meelaha ay ku badan yihiin shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here