Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jeneraal ruug-cadaa ah u Magacaabay La-taliyihiisa Arrimaha Ciidamada Qalabka Sida

0
305

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Sarreeye Gaas Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud in uu noqdo Lataliyaha arrimaha Ciidamada Qalabka Sida ee Madaxweynaha.

Sarreeye Gaas Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud ayaa khibrad durugsan u leh sugidda amniga gudaha iyo difaaca Qaranka, isagoo horey u soo noqday Taliyaha hay’adaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo Socdaalka iyo Jinsiyadaha. Sidoo kale mas’uuliyado kale ayuu dalka ugu soo shaqeeyay.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dalka ayaa faray la-taliyaha Arrimaha Ciidamada Qalabka Sida in uu doorkiisa ka qaato qorsheyaasha Qaran ee dib u dhiska Ciidamada, si loo dhammaystiro guulaha xoreynta iyo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, isagoo u rajeeyey in Eebbe uu ku guuleeyo shaqada culus ee loo magacaabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here