Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Somalia, mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Somalia, danjire Maxamed El-Amine Souef iyo saraakiil ka tirsan ciidanka ATMIS.
Wasiirka iyo ergayga ayaa ka wadahadlay wada-shaqeynta dhinacyada amniga iyo la-dagaallanka argagixisada, iyada oo isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga amni ee labada dhinac, isla markaana si joogto ah ay u kala warqaadan doonaan hay’adaha amniga, si loo helo Somalia xasilloon oo ka caaggan Al-shabaab.
Ugu dambeyn, Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa uga mahad-celiyey hawlgalka ATMIS doorka ay ka qaataan sidii Somalia looga ciribtiri lahaa kooxaha argagixisada ah ee diiddan horumarka iyo amniga Soomaaliya.














