Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo la qaatay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Hoggaanka Wasaaradda Difaaca XFS: SAWIRRO

0
300

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska ciidanka xoogga dalka kulammo kula qaatay hoggaanka wasaaradda iyo ciidanka xoogga dalka.

Saraakiisha ayaa Madaxweynaha dalka la wadagay warbixinihii ugu dambeeyey ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan xoreynta deegaanno ka tirsan Jubbaland oo lagu guuleystay, waxa ayna soo bandhigeen sida ay uga go’an tahay ciidamada qalabka sida in ay sii wadaan halganka dalka lagaga xoreynayo kooxaha argagixisada ah.

Ugu dambeyn, Kulankan ayaa imaanaya iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh uu ku dhawaaqay dhawaan in la billaabayo wajigii labaad ee dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta, taasoo si weyn loosoo dhaweeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here