Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in ciidamada Qaranka ay gudaha u galeen Degmadu Ceelbuur ee Gobolka Galguduud, halkaasoo laga wado hawlgal looga sifaynayo gudaha degmada Khawaarijta iyo dhagartooda si loo hubiyo amniga magaalada.
“Degmada Ceelbuur waxa ay ahayd goobta ugu wayn ee Khawaarijtu ay kaga sugnaayeen deegaannada Dowlad-goboleedka Galmudug iyo Hirshabelle,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga XFS.
Ugu dambeyn, Bayaanka ayaa lagu xusay in marka uu dhammaado hawlgalka Ceel-buur in lala wadaagi doono natiijada shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan.













