Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xilka u kala wareejiyay Marwo Bilan Bile Maxamuud oo uu dhawaan Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar iyo Xoghayaha xafiiska banneeyay Mudane Faysal Carraale Afrax.

Duqa Muqdisho ayaa uga mahadceliyay Xoghayihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Faysal Carraale Afrax shaqooyinkii uu soo qabtay inta uu xafiiska joogay, asigoona Xoghayaha cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Bilan Bile Maxamuud kula dardaarmay dardargelinta dadaallada shaqo ee xafiiska iyo ka dhabeynta fulinta qorshayaasha horumarineed ee hortabinta u leh Dowladda Hoose ee Xamar.

Munaasabadda Xil-wareejinta oo ka dhacday Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin isugu jiray Wasiirro, Xildhibaanno, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Agaasimeyaal iyo Howlwadeeno ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.














