Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta si rasmi ah taliyaha qaybta 21-aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ugu wareejiyay toban halaad oo geel ah oo loogu tala-galay ciidamada geesiyaasha Qaranka ee ku sugan furinta dagaalka, iyada oo munaasabadda deeqda lagu wareejinayay ay ka dhacday saldhigga magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Goobta uu Duqa Muqdisho Mudane Madaale ku wareejinayay tobanka halaad ee geela ah, waxaa goobjoog ka ahaa; wasiirka amniga dowlad-goboleedka Galmudug, taliyaha qaybta booliiska, guddoomiyaha gobolka Galgaduud iyo mas’uuliyiin kale.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) waxa uu sheegay in had iyo jeer uu garab-taagan yahay ciidamada qalabka ee ku hawlan ciribtirka Khawaarijta.




























