Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Xaaji Aadam ayaa Isbitaalka Ordgan Ex Digfeer kulan kula qaatay Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya, Danjire İbrahim Mete YAĞLI, iyo agaasimaha Isbitaalka Associate, Prof Mevlüt KARATAŞ,
Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wadahadlay sidii loo dardar-gelin lahaa hawlaha shaqo ee isbitaalka Digfeer uu u hayo bulshada, sidoo kale waxay isla soo qaadeen sidii ay Dowladda Turkiga uga caawin lahayd Soomaaliya xoojinta iyo kor u qaadista adeegga caafimaadka, gaar ahaan inta uu socdo hawlgallada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta.
Intaasi kaddib, wasiirka iyo safiirka ayaa booqday dhaawacyada ku jira isbitaalka ee xaaladdooda caafimaad lala tacaalayo, waxa ayna waxa ayna u dul istaageen mid-mid, iyagoo dhagstay warbixinno la xiriira xaaladdooda caafimaad.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa kala hadlay danjiraha in laga taageerto daawada, maadaama dowladda Soomaaliya ay ku jirto dagaal lagu ciribtirayo Khawaarijta oo in muddo ah dhibaato ku hayay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan goobaha ay gacanta ku hayeen.
Safiirka ayaa ballan-qaaday in dowladda Turkiga ay ka qayb-qaadan doonto ololaha lagu ciribtirayo, ayna Somalia ka caawin doonaan arrimaha caafimaadka iyo sidii ciidamada dowladda u heli lahaayeen baxnaano fiican. Waxa uuna sheegay inay wasaaradda caafimaadka kala shaqeyn doonaan gurmadka caafimaadka mar kasta iyo inta uu socdo dagaalka cadowga.
Ugu dambeyn, Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in baahida ugu weyn ee xilligaan ay qabaan ay tahay sidii looga taaveeri lahaa dhinaca caafimaadka maadaama uu dalku ku jiro dagaal ka dhan ah Khwaarijta oo dhibaato ba’an ku haya shacabka Soomaaliyeed.































