Madaxweyne Farmaajo oo Ubax dhigay Taalada SYL

0
1118

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa saaka iyadoo la weyneenayo Xuska Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo, waxa uu ubax dhigay Taallada SYL ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay maamuus mudan yihiin geesiyaashii naftooda u huray halgankii gobonnimo doonka dalkeenna.

Madaxweynaha oo tilmaamay halgankii adkaa ee loo soo maray madax-bannaanida Dalka ayaa xusay in Taallada Dhadax-tuur ay tahay astaan u taagan xusuusaha lama illaawaanka ah ee halgankii loo soo galay gobannimada, waxa uuna dul istaagay caqabadihii ay la kulmeen halyeeyadii Soomaaliyeed ee inoo horseeday xorriyadda, qarannimada iyo gobannimada dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo muujinaya sharafta iyo qiimaha ay inaga mudan yihiin geesiyaashii Soomaaliyeed ee u soo halgamay Xorriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay midnimada, waddaniyadda, wadajirka iyo isku duubni sal adag leh, si loo xaqiijiyo dhaxalkii ay ka tageen ee ilaalinta gobannimadeenna.

Munaasabadda Ubax-dhigga Taallada Dhagax-tuur waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirro ka tirsan XFS, dhallinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo si mug leh u maamuusayey halyeeyadii u shahiiday gobanimadeenna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here