Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan muhiim ah ayaa waxa ay ku ansixiyeen laba hindishe sharciyeed iyo heshiis ganacsi oo muhiim ah.
Hindise sharxiyeedyada ay xubnaha golaha wasiirradu ay ansixiyeen ayaa waxa ay kala yihiin: Hindise sharciyeedka la-dagaalanka argagaxisada iyo hindise-sharciyeedka socdaalka oo ay soo gudbisay wasaaradda amniga Qaranka.
Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya ayaa warbixin uu soo saaray shirka kaddib waxa uu sheegay in labadan hindise ay muhiimad gaar u leeyihiin Soomaaliya, ayna qayb weyn ka qaadanayaan ciribtirka argagaxisada.
Dhanka kale, golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa waxa ay meel-mariyeen heshiis ganacsi oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Uganda, kaas oo uu wasiirka ganacsigu sheegay inay faa’iido weyn ugu jirto ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Uganda.













