Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay ka go’an tahay in Soomaaliya oo dhan laga saaro Alshabaab, isaga oo xusay inay adeegaan doonaan awooddooda oo dhan si ay uga adkaadaan Khawaarijta.
“Waxa aan rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed u sheego in Alshabaab ay ka dhammaanayaan dalka, taasina waa muuqataa waayo, maanta waxaan joognaa dhul aan 15-sano la marin, guuluhuna way sii soconayaa. Muddada dagaalka iyo qaabka dagaalku ku socdo sidii ay doonaan ha ahaadaan, balse go’aankeennu waa inaan dalkaan ka xoreyno Khawaarijta iyo wixii la hal-maala,” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku yiri hadal uu ka jeediyay xiritaankii shirkii Wadatashiga Qaran ee xalay soo gunaanaday Dhuusomareeb.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay inaysan jirin dad lagu fiirsanayo inay dhulkooda Khawaarijtu sii joogaan, waxa uuna u ballanqaaday dadka Soomaaliyeed in dhulalkooda laga saarayo kooxahan aan naxariista lahayn, maadaama aysan jirin wax ay u tureen oo diin, dal, dhaqan iyo ummad ah.
Dhanka kale, Waxaa iyaga goobta hadallo ka jeediyay madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubbaland, iyagoo ammaanay qaabka uu ku socdo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, waxaana ay shacabka ku boorriyeen inay kaalintooda qaataan si khawaarijta looga sifeeyo dalka oo dhan.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Madoobe ayaa sheegay in go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta uu soo dhaweynayo, balse uu qabo dhaliil ah in dagaalka ka socda Galmudug uu gaabis ku jiro, loona baahan yahay in la dadajiyo, si deegaanada kale ee wadanka looga saaro Khawaarijta.













