Tartanka Gabayada iyo Keydka Maansooyinka Soomaaliyeed oo la daahfuray

0
513

Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga daahfuray barnaamij lagu horumarinaayo dhaqanka & suugaanta Soomaaliyeed, kaas oo la magac baxay “Hoyga Maansada Soomaaliyeed.

Tartarnakaan ayaa la isugu keenayaa abwaanada iyo dadka gabayada xiiseeya, si loo horumariyo maansada Soomaalida iyo in loo ololeeyo nabadda iyo xuquuqda aadanaha Soomaaliya.

Hirgelinta Baraamijka Hoyga Maansada (www.hoygamaansada.com) ayaa waxaa taageerayo Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Horumarinta (UNDP), iyada oo looga golleeyahay keydinta gabayadii hore iyo kuwa cusub oo ay curiyeen abwaanada jiilka cusub, si loo hormariyo dhaqanka iyo afka Soomaaliga.

Tartanka ayaa waxa uu u dhici doonaa seddex qeyb oo kala ah: Gabyaaga ugu wanaagsan Sanadka, Gabadha ugu Wanaagsan Gabdhaha gabya iyo Abwaanka Da’ada yar ee Sanadka .

Waxaa Garsooraya Abwaan magac & maamuus ku leh bulshada Soomaalida,sida

  1. Abwaan Axmed Faarax Cali (Idaajaa)
  2. Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure
  3. Abwaan Maxamuud Xaaji Maxamed (Tarash)
  4. Abwaan Caasha Maxamuud Yuusuf (Caasha-luul)
  5. Abwaan Xaawa Jaamac Cabdi.

Waxaan ku faraxsanahay in aan arko barnaamijka Hoyga Maansada Soomaaliyeed iyo in aan ka mid ahay Garsoorayaasha Tartanka Gabayada sanadlaha Maanasada Soomaalida waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu waaweyn ee aan dunida ku soo kordhin karno marka qof walba waxaan ku dhiiragalinayaa in uu taageero Hoyga Maansada Soomaalida iyo in uu ka qeybgalo tartanka” ayuu yiri Abwaan Idaajaa.

Barnaamijka Hoyga Maansada wuxuu kaloo qaban doonaa munasabado gaar ah oo si mideysan bulshada Soomaalida ugu horumarineyso dhaqankeeda iyo in loogu ololeeyo nabadda iyo xuquuqda aadanaha.

“Hay’adda UNDP waxay ku faraxsantahay in ay taageerto Hoyga Maansada Soomaliyeed oo hadda ku soo biiray saaxada horumarinta dhaqanka,” ayuu yiri Madaxa Haya’adda UNDP, Jocelyn Mason. “

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here