Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed ayaa maanta soo xirtay Tababar ku saabsan Adeeg bixinta Arimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir oo ka socdey Magaada Muqdisho.
Tababarkan oo uu soo Agaasimey Machadka dowladda Hoose ee Xamar waxaa ka qeyb qaatay Guddoomiye ku xigeenada Arimaha Bulshada ee Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo 3-da deegaan, Agaasinka Waxbarashada, Biyaha, Dad dhigista iyo Caafimaadka.
Waxaa lagu baranayey Adeeg bixinta Arimaha Bulshada iyo daadejintooda iyo weliba sida ay u shaqeeyaan dowladaha Hoose, waxa uuna socdey 4-tii Cisho ee ina dhaaftay.














