Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka Soomaaliyeed la hadlay ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saarayso inaan si qaldan loo usticmaalin canshuurta laga qaado shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in canshuurta laga qaado gabadha jidka shaaha ku katinaysa aysan dhici doonin in nin uu jeebka isaga shubto, isagoo xusay inaan qofna laga ogolaanayn inuu iska isticmaalo hantida dadweynaha.
Dadka Soomaaliyeedow ogaada, nooma kala sokeeyaan Al-shabaabka na qarxinaya iyo kan tuuga ah ee canshuurta shacabka laga soo qaafo xadaya,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa ku daray inay dagaal adag la galayaan kuwa xoolaha shacabka xadaya.