Hay’adda SODMA oo soo saartay digniino la xiriira daadad iyo fatahaado ka dhalan kara xilli Roobka Guga ee Sanadkan

0
175

Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA, ayaa mar kale maanta ku celisay in roobabka gu’ga ee ka curtay dalka sida saadaasha sheegeyso uu wato daadad iyo fatahaado, iyada oo hay’addu ay sheegtau inay waddo dadaallo arintaas looga gaashaamanayo, waxa ayna xustay in fatahaadahan laga cabsi qabo in ay sameeyaan dad gaaraya 800,000 oo qof.

Mareeyaha SODMA, Xasan Cabdulqaadir Ciise ayaa sheegay in hay’addu diyaarisay 51 doomood oo haddii ay dhacaan fatahaadaha iyo daadadka dadka loogu badbaadiyo, sidoo kale waxa uu sheegay in geeyeen jawaano fara badan magaalooyin ka tirsan Koonfur-galbeed, Hirshabeelle iyo Jubbaland si webiyada iyo goobaha biyo-mareennada ah meelaha ay ka jilicsan yihiin loogu adkeeyo.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA, Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa dhankiisa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay baneeyaan goobaha biyo-mareennada ah, hareeraha webiyada, looga baahan yahay shacabka in ay taxaddaraan oo fariimaha hay’adda ay si dhaw ula socdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here