Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa abaalmarino lacageed gudoonsiiyay degmooyinka Kaalmaha hore ka galay tartan aqooneedkii bisha barkesneed ee Ramadan, kaas oo laga baahinayay Idaacadda Codka Caasimadda.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo goobjoog ahaa Xaflada ayaa waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiye ku Xigeenka arimaha Bulshada, Gudoomiyayasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo ku xigoonadooda, Agaasimayaal iyo Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
Munaasabadda ayaa waxaa abaalmarino kala duwan la gudoonsiiyay degmooyinka Iyo deegaanada kaalmaha kala galay.














