Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay Amiirka Magaalada Riyaad ee Caasimadda dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Faisal bin Abdulaziz bin Ayyaf iyo xubno ka tirsan Madaxda Dowladda Hoose ee Magaalada Riyaad.
Amiirka Riyaad iyo Duqa Muqdisho ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi iyo wax wada-qabsiga ee labada Caasimadood, Is-dhaafsiga aqoonta iyo waayo-aragnimada, maareynta iyo horumarinta Dowladaha Hoose iyo isku xirka (Mataaneynta) Magaalooyinka Riyaad iyo Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho waxaa kulanka ku wehlinayay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u jooga dalka Sacuudiga, Mudane Saalim Macow Xaaji, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed iyo Madax kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Amiirka Caasimada Riyaad Faisal bin Abdulaziz bin Ayyaf kaga mahad-celiyay martiqaadka iyo soo dhaweynta ballaaran ee uu u sameeyay wafdiga ka socday Caasimada Muqdisho iyo sida uu xoogga u saarayo iskaashi iyo wax wada-qabsi dhex-mara Caasimadaha Riyaad iyo Muqdisho.














