Guddoomiye Madaale oo Hadallo Dhiirri-gelin ah u jeediyay ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan Aadan Yabaale: MUUQAAL

0
303

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa gaaray taliska ciidamada Xoogga Dalka ee Degmada Aadan Yabaal, halkaas oo ay ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee halkaasi kawada dagaalka sifeynta Kooxaha Khawaarijta.

Ujeeddada safarka guddoomiye Madaale ayaa ah sidii uu u dhiirri-gelin lahaa geesiyaasha CXDS iyo dadka deegaanka ee hawlgallada sifeynta Khawaarijta ka wada deegaannada ay Khawaarijta kaga sugan yihiin Galmudug iyo Hirshabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here