DAAWO: Duqa Muqdisho oo ka Qayb-galay Qatinka Tacsida Guddoomiyihii iyo Duqii hore ee Gobolka Banaadir: SAWIRRO

0
343

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qaybgalay munaasabadda khatinka iyo ducadda tacsida Allaha u nasriixtee guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho, Marxuum Cali Ugaas Cabdulle oo 2-dii bishii Oktoobar 2023-kii ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha aqalka sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, wasiirro, xildhibaanno, guddoonka Gobolka Banaadir, culumamaa’uddiin, qaybaha dhaqanka, siyaasiyiin, haweenka iyo qaybaha kala geddisan ee bulshada ayaa ka qayb-galay munaasabadda khatinta iyo ducada tacsida, AUN Xaaji Cali Ugaas Cabdulle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here