Maxkamada Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay Askar horay u dilay dad shacab ah

0
336

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somalia ayaa subaxnimadii hore ee maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay; Qaasim Ducaalle Cabdi oo hore u dilay Abukar Maxamed Sheikh Nuuraani (Abirimo) iyo Xasan Juulle Shaakir oo isna dilay Cali Taliye Cariif.

Labadan askari ee xukunka dilka ah lagu fuluyay ayaa 10-kii Janaayo ee Sanadkan degmooyinka Xamarweyne iyo Balcad ku kala dilay laba muwaadin oo nolosha halgan ugu jiray.

Ugu dambeyn, Goobta lagu toogtay labadan gacan-ku-dhiigle ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan maxkamadda ciidamada qalabka ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here