Guddoomiyaha Degmada Hodan oo ku baaqay in la taageero ciidanka XDS ee Dagaalka ku jira kooxaha Khawaarijta: MUUQAAL

0
569

Guddoomiyaha Degmada Hodan, Cali Axmed Faarax (Cali Fahle) oo ka hadlay kulankii maamulka degmada ayaa shacabka ku nool degmada looga baahan yahay inay xoojiyaan amniga degmada, isla markaana aan la ogolaan in carqalad lagu sameeyo amniga degmada.

“Qof walba oo wax garta oo ku nool degmada Hodan waxaa waajib ku ah in uu kaalintiisa ka qaato xoojinta amniga degmada iyo inuu ka qaybqaato taageerada ciidamada xoogga dalka ee dagaalka kula jira Khawaarijta si dalka oo dhan looga sifeeyo,” ayuu yiri guddoomiye Cali Fahle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here