Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden

0
360

Ra’iisul Wsaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Mareykanka, Mudane Joe Biden, intii lagu guda jiray shirka guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo xiriirka istiraatijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka iyo shacabkeeda taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada muhiimka ah ee amniga, dib-u-dhiska dowladnimada, iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Madaxweyne Biden ayaa mar kale xaqiijiyay madax-bannaanida, midnimada, iyo gobonimada dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo qiray in ay muhiim u tahay xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here