Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo Doxa kula kulmay Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Dalka Qatar: SAWIRRO

0
373

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Somalia, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay taliyaha ciidanka qalabka sida ee Qatar, Salem bin Hamad Al Nabit oo ay ka wadahadleen iskaashiga dhinaca amniga iyo dagaalka Khawaariijta.

Ra’iisul Wasaare Xamse waxa uu sheegay in dowladda Somalia ay guullo waaweyn ka gaartay dagaalka ay ku ciribtireyso Khawaariijta, isagoo uga mahadceliyay dowladda Qatar doorka joogtada ee ay ka qaadato dib u dhiska ciidamadeena.

Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa dhankiisa ku ammaanay dowladda Soomaaliya guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaartay dagaalka Khawaariijta isaga oo ballan-qaaday inay sii wadi doonaan taageerada iyo wada-shaqeynta ay leeyihiin hey’adaha amniga Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here