Ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa xalay hawlgallo lagu soo qabtay kooxo looga shakisan yahay inay argagaxisada ka tirsan yihiin ka sameeyay degmooyinka Galbeedka, Bariga iyo Bartamaha Xamar.
Hawlgalkan ayaa waxaa waxaa hoggaaminayay taliyaha guud ee qaybta booliiska gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallim Mahdi), waxaana intii uu hawlgalku socday guri-guri loo baaray guryaha ku yaalla xaafadaha degmooyinka baaritaannada laga sameeyay.
Taliye ku xigeenka ciidanka booliiska gobolka Banaadir, Siciid Baryare oo warbaahinta la halday ayaa faahfaahin ka bixiyay hawl-galladii xalay laga sameeyay degmooyinka Gobolka Banaadir.
“Hawlgalladan waxa la qorsheeyay maalmihii lasoo dhaafay waxaana caawa soo marnay degmooyin ku yaalla Bariga, Bartamaha iyo Galbeedka Xamar, waxaana kusoo qabannay kooxo hubeysan iyo kuwo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin nabad-diidka” ayuu yiri Taliye Baryare.
Sidoo kale, Taliye ku xigeenka ayaa sheegay in hawlgalladan ay sii socon doonaan tan iyo inta laga xaqiijinayo amniga caasimadda. Waxa uuna ka dalbaday shacabka Muqdisho ku nool inay gacan ku siiyaan ciidamada amniga hawlaha ay amniga ku sugayaan.
“Waxaa shacabka Muqdisho laga doonayaan in ay ciidamada dowladda kusoo wargeliyaan kuwa amniga caqabada ku ah ee jooga xaafadahooda iyo kuwa guryaha ku jira. Waayo wadajir ayaa amniga lagu sugi karaa” ayuu mar kale yiri Siciid Baryare.
Ugu dambeyn, Hawlgalka xalay ka billowday Muqdisho ayaa qayb ka ah qorshe la doonayo in lagu sugo amniga guud ee caasimadda, si ay shacabka Xamar ugu noolaadaan nabad.















