Raiisal Wasaare Kuxigeenka XFS Oo Booqday Isbitaaladda Caasimadda+Sawiro

0
25

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa caawa booqday Isbitaallada Erdogan, Banaadir iyo Xarumaha Gurmadka deg-degga ah ee Gobolka Banaadir oo ay ku shaqeynayaan kooxaha Gurmadka heer Federaal iyo heer Gobol.

Mudane Saalax ayaa ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaallda, warbxin la xiriirta xaaladda bukaanada jiifa, isagoo ku ammaanay sida ay heeganka ugu yihiin caawinta dhaawacyada.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa soo kormeeray xarunta gurmadka deg-degga ah ee Gobolka Banaadir oo ay ku sugnaayeen xubno kamid ah guddiyada gurmadka qaraxii KM5.

Guddoomiyaha Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka iyo Guddoomiye ku xigeennada Gobolka Banaadir ee Amniga iyo Siyaasadda iyo Arrimaha bulshada ayaa warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka howlaha gurmadka ee ay qabteen saacadihii la soo dhaafay, isagoo tilmaamay in Xukuumaddu ay garab taagan tahay guddiyada gurmadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here